Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Maxkamad laga leeyahay Midowga Yurub oo France ku eedeysay inay ka xadgudubtay xuquuqda burcadbadeed Soomaali oo dalkeeda ku xiran.

$
0
0

Maxkamada xuquuqda Aadanaha ee Midowga Yurub ayaa ku amartay France inay bixiso kumaanaan Yuuro ah oo la siinayo Burcadbadeed Soomaali ah oo weeraray maraakiib France leedahay.

Maxkamada ayaa France ku eedeeysay inay ka xudgudubtay xaquuqdooda Aadanah ee Burcadbadeeda waxayna sheegtya inay haysay muddo ka badan 48-saac oo maxkamad la’aan ah.

Madaxa ugu sareeya maxkamadaan ayaa sheegay dowlada France  inay ku qaldan tahay inay burcadbadeeda xabsi kusii hayso wax kabadan 24-aac, iyadoo aan soo istaajin maxkamad. “Ma jirto wax cudur daar ah oo loo samayn karo dib u dhaca,” ayay maxkamadu ku sheegtay go’aankeeda.

France ayaa lagu amray inay bixiso inta u dhexeysa €5,000 iyo €2,000  oo  Yuuro ah oo u dhiganta ($6,100 and $2,500.

Fance ayaa kamid ah wadamada aadka ula dagaalamay kooxaha burcadbadeeda Soomaalida, iyadoo gacanta ku dhigtay boqolaal kamid ah burcadbadeeda.

Puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles