Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

17 tahriibayaal ah oo ku dhintay biyaha u dhexeeya Libya iyo Italy.

$
0
0

(Pi Lampedusa) 17 tahriibayaal ah oo ku safrayay biyaha udhexeeya Libya iyo Italy ayaa la helay maydkooda sida ay sheegeen kooxaha gurmadka Italy oo gaaray meel 100 mayl dhibaca koonfureed uga beegan jazeerada Lampedusa. Tahriibayaasha ayaa intooda badan u dhintay fuux bax iyo neef.

Ciidamada ilaalada xeebaha oo watay doomo iyo markab ganacsi ayaa doonidaan u tagay kadib markii ay dirsatay seenyaale muujinayay inay u baahan tahay caawimad deg deg ah .

Kooxaha gurmadka ayaa doonida ka helay maydka 17 tahriibayaal ah halka lasoo badbaadiyay 66 kale. Mid kamid ah muhaajiriinta ayaa dhintay inta lagu jiray howlaha samatobixinta, mid kale oo galay xaalad halis ahna waxaa loo qaaday isbitaal kuyaala Lampedusa.

Weli lama kala cadayn wadamada ay kasoo jeedaan Maydadka 17-ka ah, Waxaana ciidamadu ilaalada xeebuhu sheegeen inay baaritaan ku sameynayaan dhalashadooda.

Sanadkaan 2014 ayaa noqday sanadkii ugu dhimashada badnaa muhaajiriinta naftooda ku luminaya biyaha udhexeeya Libya iyo Talyaaniga.
Naufragio Scicli: a bordo barcone 150-200 persone

Puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles