Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

SAWIRO:Madaxweyne Gaas oo Deegaanka Karin ee Gobolka Barri kaga qeyb galay qado sharaf ay ku casumeen dadka deegaankaasi.

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 5-12-2014 magaalada karin oo katirsan Gobolka Barri kaga qeyb galay qado sharaf ay ku casumeen dadka deegaankaasi.

Deegaanka Karin oo qiyaastii magaalada Boosaaso u jirta 40-kiilo mitir ayaa waxaa soo dhaweyn balaaran ugu sameeyey madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayey Waxgarad, Haween  ku labisanaa calanka Puntland, dhalinyaro iyo dadweyne kale  oo tiro badan, kuwaas oo dhamaantood si diiran usoo dhaweeyey Madaxweynaha.

Shacabka ka qeyb qaadanayey soo dhaweynta ayaa ruxayeye caleemo qoyan iyagoo dhanka kalena sitay funaanado cad cad oo ay ku xar dhanaayeen halku dhigyo ay kamid ahayeen ‘’Booqashada Madaxweyne Gaas ku yimid deegaanka karin waxay tilmaan cad u tahay balan qaadyadii madaxweynuhu ka balan qaaday shacabkiisa in goob kasta loogu tago.

Madaxweyne Gaas ayaa waxa uu kormeer ku sameeyey beeraha ay tabcadaan dadka degan deegaanka karin ku waas oo ku yaal banaanka magaalada sidookalana waxa uu  booqday guri taariikhi ah oo la dhisay sanadku markuu ahaa 1944-tii.

‘’Dhulkaan barwaaqada ahi waa muhim in aan ka faa’iidaysano lagana sameeyo dhul dalxiis oo wanaagsan beerihii aan maanta soo arkay, dadkuna ay yimaadaan oo weliba lagu sameeyo maalgelin rasmi ah si markaas quruxdiisa iyo horumarkiisu dadku ay uwada arkaan ‘’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Meelaha aan muhiimada gaar ka ah aanu siinayno ayaa waxaa kamid ah horumarinta ,horumarku haduu yimaado waxkasta waa imaanayaan, waxaana aad ugu mahadcelinayaa ciidamada ka howlgalaya halkaan si gaar ah ayaan ugu mahadnaqayaa waxbadan ayeyna runtii ka badaleen nabadgelyada jidka dheer iyo weliba nabadgelyada deegaanka’’Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale sheegay in uu si aad ah u tixgelinayo codsi ay u soo jeediyaan waxgaradka deegaanka kaasi oo ahaa in Deegaanka Karin laga biiriyo degmooyinka Puntland.

‘’Waxaan rabaa marka si taasi u rumowdo waxbadan oo looga baahan yahay deegaan ama degmo in aanu ka shaqeyno ama hanoqoto nabadgelyada ama hanoqoto horumarka ,hadhow haday meeshu noqoto degmo waa in tasiilaadki looga baahnaa sida canshuurihii iyo khidmadaadki dawliga ahaa laga helo’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa kadib markii uu saacado kooban lasoo qaatay shacabka ku dhaqan deegaanka Karin, waxaa uu isla gelinkii danbe ee maantaba uu kusoo laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Barri oo uu maalmahanba hawlo shaqo u joogay

 -DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

IMG_0651 IMG_0652 IMG_0667 IMG_0669 IMG_0674 IMG_0678 IMG_0680 IMG_0684 IMG_0686 IMG_0689 IMG_0691 IMG_0692 IMG_0695 IMG_0697 IMG_0698 IMG_0706 IMG_0707 IMG_0708 IMG_0709 IMG_0719 IMG_0723 IMG_0725 IMG_0729 IMG_0730 IMG_0731 IMG_0734 IMG_0737 IMG_0745 IMG_0750 IMG_0757 IMG_0761 IMG_0770 IMG_0771 IMG_0774 IMG_0780 IMG_0791 IMG_0792 IMG_0793 IMG_0799 IMG_0800 IMG_0802 IMG_0803 IMG_0804 IMG_0807 IMG_0810 IMG_0813 IMG_0816 IMG_0823 IMG_0824 IMG_0825 IMG_0826 IMG_0829 IMG_0832 IMG_0833 IMG_0836 IMG_0838 IMG_0839 IMG_0840 IMG_0845 IMG_0847 IMG_0848 IMG_0850 IMG_0859 IMG_0863 IMG_0864 IMG_0866 IMG_0874 IMG_0875 IMG_0876 IMG_0877 IMG_0883 IMG_0885 IMG_0886 IMG_0898 IMG_0899 IMG_0906 IMG_0907 IMG_0915 IMG_0916 IMG_0918 IMG_0921 IMG_0922 IMG_0923 IMG_0924 IMG_0925 IMG_0926 IMG_0935 IMG_0944 IMG_0945 IMG_0946 IMG_0949 IMG_0953 IMG_0955 IMG_0967 IMG_0972 IMG_0976 IMG_0977 IMG_0980 IMG_0984 IMG_0986 IMG_0998 IMG_1010 IMG_1018 IMG_1028 IMG_1029 IMG_1030 IMG_1032 IMG_1033 IMG_1034 IMG_1035 IMG_1037 IMG_1038 IMG_1039 IMG_1046 IMG_1061 IMG_1065 IMG_1072 IMG_1096 IMG_1098


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles