Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Sawiro) Degmada Bosaso oo noqotay Horyaalka Kubadda Cagta degmooyinka Gobolka Bari.

$
0
0

Degmada Bosaso ayaa noqotay Horyaalka Kubadda Cagta degmooyinka Gobolka Bari,ka dib markii ay Cayaarta Finalka ay Gool Ku-laad kaga adkaatay degmada Balidhidin.

Cayaarta Finalka ee labada degmo oo ay uso Daawasho tageen Boqolaal ruux,Maamulka Gobolka Bari,Maamulka degmada Bosaso iyo Taliska Qaybta Booliska Gobolka Bari,ayaa waqtigii loogu talagalay ku dhamaatay 0-0,waxaana Gool ku-laad loo dhigay labada degmo Koobka ku hanatay degmada Bosaso,oo sidaa ku noqotay Horyaalka degmooyinka Gobolka Bari.

Cayaartowda degmada Bosaso ayaa la Guddoonsiiyay Koobka iyo Bilado,halka Cayaartowda Balidhidin la guddoonsiiyay Koobka Kaalinta labaad iyo Abaalmarino kale.

Guddoomiyaha dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Gobolka Bari Mustafe Cabdiraxmaan Majacase oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in ujeedada Koobka ay ahayd in dhalinyaradu isdhexgalaan,lagana Wacyigeliyo Tahriibta,si ay uga shaqeeyaan amaanka iyo hormarka dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan,duqa degmada Bosaso Xassan Cabdala Xassan iyo Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiim Yuusuf Xusseen ayaa si wada jir ah ugu hambalyeeyay degmooyinka Bosaso iyo Balidhidin,oo kala galay Kaalinta kowaad iyo labaad,waxaa sidoo kale ay u hambalyeeyen degmooyinka ku haray wareegyada kowaad iyo labaad ee tartanka.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

www.puntlandi.com.

5 11 9 10 2 6 7 4 1 8

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512