Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Sawirro) Ardayda Kulliyada Macalimiinta Puntland ee GTEC oo Gudomiye Cusub Doortay.

$
0
0

(Pi Garoowe) Kulliyada tababarka macalimiinta Puntland ee Garoowe magaceedana loosoo gaabiyo GTEC ayaa waxaa ka dhacday doorashada gudoomiyaha ururka ardayda waxkabarata kulliyadaan

Doorashadaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha wasaarada dastuurka iyo dimuquraadiyeynta Puntland, maamulka iyo macalimiinta kulliyada, gudoomiyihii hore ee ururka ardayda iyo ardayda waxkabarata kulliyada GTEC.

Agaasimaha guud ee wasaarada dastuurka iyo dimuquraadiyeynta ee dowladda Puntland oo munaasabada daahfuray ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ka qaybgalka munaasabadaan, wuxuuna intaas ku daray in tallaabadaani ay tusaale u tahay horumarka Puntland iyo fahanka dimuquraadiyada,

Maamulaha kulliyada tababarka macalimiinta ee GTEC Cabdiraxmaan Sheekhdoon oo ardyada la hadlayey ayaa sheegay in ujeedka barnaamijkaan uu yahay sidii ardayda loogu barbaarinlahaa maamul wanaaga iyo hogaaminta ayna usoo bandhigi lahaayeen fekerkooda.

Sheekhdoon wuxuu ardayda kubooriyey in ay doortaan cidii ay u arkaan in ay hogaaminkadho kana soo bixi kadho shaqada loo igmaday ayna dhowraan xeerka iyo kala dambaynta doorashada.

Gudoomiyihii hore ee ardayda kulliyada TGEC Axmed Bashiir ayaa dhankiisa sheegay in qabashada doorashadaani ay qayb ka ahayd balan qaadyadoodii isagoona musharixiinta ku booriyey in ay shaqada meesha ay gaarsiiyeen kasii wadaan.

Intaas kadib waxaa lagudagalay doorashada oo ka koobnayd hal wareeg ayna ku tartamayeen labada musharax ee kala ah Cabdixakiin Cabdullahi Xirsi iyo Cabdulqaadir Maxamed Cilmi, iyadoona dhiibashada codka kadib gudigu bilaabeen tirinta codadkii ladhiibtey.

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka ee ururka ardyada kulliyada tababarka macalimiinta ee GTEC oo natiijada doorashada kudhawaaqay ayaa sheegay in musharax Cabdixakiin uu helay 93 cod halka Cabdulqaadirna uu helay 125 cod, waxaana sanad jaamacadeedkaan gudoomiyaha ardayda ahaan doona Cabdulqaadir Maxamed Cilmi.

Cabdixakiin Cabdullaahi Xirsi oo tartanka looga guulaystey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay habka doorashadu udhacday gudoomiyaha cusubna lashaqayn doono.

Gudoomiyaha cusub ee ardayda GTEC ayaa isna dhankiisa mahad ujeediyey musharixii latartamayey wuxuuna tilmaamay intartankii dhamaaday lana gaarey xilligii waxqabadka.

Kulliyada GTEC ayaa ah xarunta kalliya ee soo saarta macalimiinta Puntland waxaana sanadihii lasoo dhaafay ka baxay boqolaal kamid ah macalimiinta waxka dhigta dugsiyada waxbarashada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Hoos Ka Daawo Sawirradii Doorashada.

DSC_0006 DSC_0007 DSC_0008 DSC_0009 DSC_0010 DSC_0016 DSC_0017 DSC_0018 DSC_0021 DSC_0023 DSC_0025 DSC_0029 DSC_0030 DSC_0031 DSC_0032 DSC_0033 DSC_0034 DSC_0035 DSC_0038 DSC_0039 DSC_0041 DSC_0044 DSC_0045 DSC_0048 DSC_0049 DSC_0050 DSC_0051 DSC_0052 DSC_0053 DSC_0054 DSC_0056 DSC_0057 DSC_0059 DSC_0061 DSC_0063 DSC_0065 DSC_0069 DSC_0073 DSC_0074 DSC_0076 DSC_0078 DSC_0083 DSC_0086 DSC_0091 DSC_0092 DSC_0094 DSC_0096 DSC_0105 DSC_0108 DSC_0112 DSC_0113 DSC_0115 DSC_0116 DSC_0117 DSC_0118 DSC_0120 DSC_0121 DSC_0124 DSC_0126 DSC_0127 DSC_0128 DSC_0129 DSC_0130 DSC_0131 DSC_0132 DSC_0133 DSC_0135 DSC_0136 DSC_0138 DSC_0139 DSC_0140 DSC_0142 DSC_0146 DSC_0148 DSC_0150 DSC_0151 DSC_0152 DSC_0153 DSC_0156 DSC_0159 DSC_0160 DSC_0162 DSC_0164 DSC_0165 DSC_0166 DSC_0167 DSC_0168 DSC_0169 DSC_0171

Puntlandi.com- Garoowe

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles