Ku xigeenka Dhinaca Siyaasada ee Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midooday u qaabislan Arrimaha Soomaaliya Haweenayda lagu magacaabo Fatiha Serour ayaa maanta gaartay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Fatiha Serour oo kulan laba geesood ah oo ay uga wada hadleen dhamaytirka Baarlamanka Jubbaland iyo kor u qaadida Xiriirka Jubbaland iyo Qarmada Midoobay ku wada qaatay Madaxtooyadda Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sagootiyay Fatiha Serour,oo dhowaan ka tagaysa shaqada ay u haysay Qaramada Midoobay,wuxuuna amaanay doorkii wax ku oolka ahaa ee ay qaadatay.
Ku xigeenka Dhinaca Siyaasada ee Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midooday u qaabislan Arrimaha Soomaaliya Fatiha Serour ayaa Dowlad Goboleedka Jubbaland uga mahadcelisay wada shaqaynta ay la leeyihiin Qaramada Midooday,waxaana ay dhiirigelisay Geedi socodka Hormarineedka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku hawlan dhamaystirka Baarlamanka ,xilli uu socdo hawlgal Jubbaland ay kula wareegasyo Dhulka ka maqan gacanta Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Hoos Ka Daawo Sawirada;-
www.puntlandi.com.