Wasiirka Wasaaradda Dekedaha,Gaadiidka badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeeda Mudane Cabdulaahi Jaamac Saalax oo Saxaafadda kula hadlay Bosaso ayaa ka Xog-waramay shirkii looga hadlayay Arrimaha Burcadbadeeda ee Dowlada Puntland ay kaga qayb gashay wadanka Imaaraatka Carabta iyo qorshe ay ku doonayaan inay ku balaariyaan Dekeda Bosaso.
Shirka loga hadlay Burcadbadeeda ee ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta,ayaa waxaa Dawlada Puntland uga qayb galay Wafdi balaaan oo uu hogaaminayay Madaxweynaha Dawlada Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’,waxaana Wafdiga qayb ka ahaa Wasiirka Dekedaha,Gaadiidka badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeeda Cabdullaahi Jaamac Saalax.
Mudane Cabdulaahi Jaamac Saalax ayaa sheegay in shirka looga hadlayay Burcadbadeeda ee ka dhacay Dubai ay goob joog ka ahaayen Saraakiil ka socotay Hay’ado Caalami ah oo ka tirsan wadamada Maraykanka iyo Midowga Yurub,Mas’uuliyiin ka socday wadamada Carbeed ee khusayso Arrimaha Burcadbadeeda iyo Madax ka socotay wadamo ku yaala Geeska Afrika.
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha,Gaadiidka badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeeda Mudane Cabdulaahi Jaamac Saalax, ayaa sheegay inuu dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay Madax ka tirsan Shirkadda DP World,oo ka mid ah Shirkadaha ugu waawayn adduunyada,taasi oo uu kala hadlay sidii loo balaarin lahaa Dekeda Bosaso.
Wuxuu intaas ku daray in Shirkadda DP World ay wada gaareen heshiis isafgarad ah oo ku saabsan balaarinta Dekeda Bosaso,wuxuu sheegay in dhowaan Shirkadu ay Khuburo qiimayn ku sameeya Dekeda uso dirayso Gobolada Puntland.
‘’ Laga bilaabo bari wax Siximad ama Laash ah oo Dekeda ama nawaaxigeeda ka baxaya ma jiraan,waxaa loo samaynayaa Warqad dadka saaran,meesha ay u socoto,magaceega iyo Naakhuudaha magaciisa,taas oo aan uga Golleenahay badbaadada dadka’’Ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlayay amar kaso baxay Wasaaradda Dekedaha,Gaadiidka badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeeda.
Hoos Ka Dhagayso Shirka Jaraa’id ee Wasiirka;-
www.puntlandi.com.