Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Sawiro) Maalqabeen u dhashay dalka Kuwait oo booqasho ku yimi Gobolada Puntland.

$
0
0

Abu Cabdicasiis Naasir Cabdicaasiis oo ah Maalqabeen u dhashay wadanka Kuwait ayaa booqasho ku maray Gobolo ka tirsan Puntland,ka dib markii uu Caasumaad ka helay Madaxweynaha Dawlada Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’.

Maalqabeenka u dhashay dalka Kuwait ayaa tagay magaalooyinka Garoe,Bosaso,Laasqoray,Baran,Dhahar iyo magaalooyin  kale oo ka tirsan Puntland,waxaana Maalqabeenku uu ka mid ahaa Ragga ka qayb qaatay in Dawlada Kuwait ay Puntland ka hirgaliso Mashaariicda dhismaha Garoonka Garowe iyo Jaamacadda Maakhir,oo la filayo in la bilaabo horaanta sanadka 2015.

Suldaanka guud ee Beelaha Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan oo ka mid ahaa Waxgaradka Sanaag kuso dhoweeyay Abu Cabdicasiis Naasir Cabdicaasiis,ayaa Guddoonsiiyay Shahaado sharaf,waxaana Suldaanku uu uga mahadceliyay Abu Cabdicasiis Naasir Cabdicaasiis doorka uu ka qaatay Mashaariicda lagu dhisi doono Garoonka Garowe iyo Jaamacadda Maakhir.

Dhanka kale Islaanka Ciise Islaam Maxamed ayaa maanta qado sharaf u sameeyay Abu Cabdicasiis Naasir Cabdicaasiis,waxaana Caasumaada Islaanku ay qayb ka tahay Caasumaadaha lagu soo dhoweeyay Maalqabeenka u dhashay dalka Kuwait ee soo gaaray Gobolada Puntland.

Hoos Ka Daawo Sawirada,booqashadii Sanaag;-

www.puntlandi.com.

2 1 3 4

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles