Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Sawiro) Arday Bartay Xirfado kala duwan oo ka qalinjabiyay Machadka farsamada gacanta ee Bosaso.

$
0
0

Lixdan Arday oo baratay Xirfadaha Dhar Tolida,korontada,Farsamada Birta iyo Tuubada ayaa ka qalinjabiyay Machadka Farsamada gacanta ee Bosaso,kuwaas oo Wax baranayay muddo ku siman saddex bilood.

Munaasabada lagu sagootiyay Ardayda ayaa waxaa ka qaybgalay Maamulka Machadka Farsamada gacanta,Macalimiin,Waalidiin iyo marti sharaf kale.

Ardayda ka qalinjabiyay Machadka ayaa la Guddoonsiiyay qalab ay ku shaqaystaan,waxaana qalabka la Guddoonsiiyay uu ahaa mid ay barteen hannaanka loogu shaqaysto,waxaana ujeedada qalabka loo Guddoonsiiyay ay ahayd inay kula soo baxaan Nolol maalmeedkooda.

Machadka farsamad gacanta ee Bosaso ayaa waxaa la furay sanadkii 1995-tii,waxaana ka qalinjabiyay Arday aad u badan,waxaana Machadku uu baxshaa Waxbarasho Lacag la’aan ah.

Iskuulada Farsamada gacanta ayaa ku yar Puntland,inkasta oo Wasaarada Waxbarashadda ay ku hawlan tahay sidii loo heli lahaa Iskuulo badan oo lagu barto farsamada gacanta,taasi oo ay baahi wayn u qabaan Bulshada reer Puntland.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

www.puntlandi.com.

1 2 3 4 5 6 7 8 10 11 12 13


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512