Khilaafka u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sii kordhay,ka dib markii ay soo shaacbaxeen Xildhibaano kala taageersan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Xildhibaanada Dawladaha Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho uu uga soconayaa shir ay Al-baabadu u xiran yihiin,kaasi oo ay uga Doodayaan khilaafka Madaxda Federaalka.
Dood adag ayaa dhexmartay Xildhibaanada kala taageersan Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha sida Warsidaha Puntlandi ay u xaqiijiyeen Ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow kulanka Muqdisho uga socda Golaha Wakiilada Soomaaliya.
Inkasta oo Guddoonka Baarlamanka ay isku dayeen in la helo Mawqif Midaysan oo ay ku wajahaan xaaladda Xildhibaaaanadu,hadana suuragal ma noqon oo dhinac kasta wuxuu muujinaya saraynta Dooda uu wato.
Saxaafadda Muqdisho goob joog kama aha kulanka,waayo Xildhibaanada ayaa horay Cod ay u qaadeen ku ansixiyay in Doodu ay noqoto mid iyaga uun ay Maqlaan.
Xildhibaanada ayaa filayaa inay Saxaafadda la hadlaan marka kulankooduu uu soo afmeermo.
Khilaafka Madaxda Federaalka ayaan la garanayn halka uu saldhigan doono,xilli Beesha Caalamka ay codsatay in la digtoonaado in Xoolaha umada Soomaaliyeed lagu bixiyo Laaluush iyo Mooshin.
Wixii kaso kordha Wararkayaga xiga ayaad kaga Bogan doontaan.
www.puntlandi.com.
.