Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Daawo Sawirada Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Garowe Ku Qaabilay Wafdi Uu Hogaaminayay Safiirka UK Ee Somalia.

$
0
0

Arbaca 02, 04, 2014 Madaxweynaha Dawaladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa galabnimadii maanta aqalkiisaku qaabilay Wafdi uu hogaaminyay safiirka Dawaladda UK ee Somalia Neil WIGHAN .

Madaxweynaha Puntland ayaa si diiran Puntland ugu soo dhoweeyey safiirka Dawaladda UK iyo xubnaha kale ee la socday waxayna wada qaateen kulan socday mudo dheer qaatay.
Madaxweynaha Dawaladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo safiirka Dawladda UK ee Somalia Neil WIGHAN  ugu horayn waxay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsanayd xiriirka ka dhexeeya labada dhinac iyo sidii loo adkayn lahaa.

Sidoo kale waxaa si gaar ah looga arrinsaday mashaariicda horu marineed ee ay Dawaladda UK ka fuliso Puntland waxaana  laysla qaatay in la sii wado mashaariicdaasi.

Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka UK Somalia intii kulankoodu socday waxay ka wada hadleen sidii wada shaqayn gaar ah looga yeelan lahaa arrimaha ammaanka iyo in adkeeyo, maadaama amaanku uu yahay udub dhexaadka nolosha.

Madaxweynaha Dawaladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo Safiirka Dawaladda UK ee Somalia Neil WIGHAN waxay sidoo kale isla u kuur galeen waxna iska waydiiyeen dagaalada ka socda South Ceteral Somalia iyo saamaynta ay keeni karaan.
IMG_5630

IMG_5632

IMG_5633

IMG_5634

IMG_5636

IMG_5637

IMG_5641

IMG_5645

IMG_5646

IMG_5649

IMG_5651


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles