Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Macalin Ingiriisa oo Kalidiisa ugu deeqay Gabar yar oo Soomaali ah wadanka Ingiriiska

$
0
0

uk leyla
Ray Coe oo macalin ka ah Royal Docks Community School in bariga Magaalada London ayaa kali ugu deeqay gabar yar oo soomaali ah oo kalyuhu ka fariisteen, arintaan ayaa soo jiidatey indhaha dad badan.

Caaliya Axmed Cali oo 13 jir ah waxay la il dareyd Xanuunka kalyaha waxayna u baahneyd kalyaha in loo badalo nasiib wanaag waxay heshey kali cusub.

Ninka kalida siiyey gabadhaan Soomaaliyeed ayaa yiri“Lama qiyaasi karo mahadcelinta Waalidkeed laakiin aniga waxay ii tahay, iyaga waxay u tahay inaan gabadhooda badbaadshey, Anigana waxaan heley Reer Cusub oo aan qayb ka ahay”

Qaliinka kalida loogu badalay gabadhaan yar ee Soomaaliyeed ayaa wuxuu dhacay dabayaaqadii bishii hore wuxuuna ka dhacay Great Ormond Street Hospital, gabadha iyo Ray Coe labaduba way ka kaceen qaliinkii, Ray wuxuu dib u bilaabayaa shaqadiisii bartamaha bishaan April.

Puntlandi.com
London


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles