Madaxweynaha Dowlada Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabista Golihiisa Wasiirada waxay muujinayaan inXukuumadiisa ay ajandayaasha ugu muhiimsan ka mid yihiin Arimaha Federaalka iyo Dastuurka, si taas uu u xaqiijayana wuxuu sameeyey Wasaarad aan shaqadaas mooyee Wax kale qabaneyn, wasaaradaasoo ah Wasaarada Dastuurka, Arimaha Federaalka iyo Dumuquraasiyada
Sameynta Wasaaradaan waxay Xaqiijineysaa inaan lagu xadgudbin Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo ilaalintiisaba, Wasaaradaan waxay kaloo ka shaqaynaysaa ayna xaqiijineysaa sidii Soomaaliya loowada gaarsiin lahaa Federaalka, iyo sidii Puntland uga caawin lahayd Gobolada aan wali sameysan Dowladaha iyo kuwa aan buuxin sharuudaha Dastuuriga ah sidii ay ku sameysan lahaayeen Dowlad goboleed buuxiya sharuudaha Daastuuriga ah.
Waxaana Wasaaradaan loo magacaabey Wasiir Sahro Siciid Nuur iyadoo ku xigeenkeeduna uu yahay Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil.
Dadka falanqeeya Siyaasada soomaaliya oo qaarkood la hadleen Puntlandi, oo an waxka waydiiney Wasaaradaan cusub waxay sheegeen in Madaxweyne Gaas ay lama huraan ku noqotey inuu sameeyo Wasaaradaan waayo Dowladii dhexe ayaa ka gaabisey hirgalinta Federaalka iyo u hoganaansha Dastuurkii Federaalka.
Puntlandi.com
Garowe