Guddoomiyaha Baarlamanka Dawlada Puntland Mudane Siciid Xassan Shire ayaa soo afmeeray Safar uu ku maray qaybo ka mid ah Gobolka Mudug,wuxuuna amaanay hormarka ka jira Mudug.
‘’Wafdiga aan hogaaminayo Gobolka Mudug qaybo ka mid ah ayuu ku marayay Kormeer,Dhul badan oo aan tagin waa jiraa,kama haysan Gobolka Mudug inuu ka jiro Hormarka caynkan ah’’Ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray‘’…Mudug Nolol noocyo badan ayaa ka jirta,Dhul-badan ayay ka hormarsan tahay’’.
Guddoomiyaha Baarlamanka Dawlada Puntland Mudane Siciid Xassan Shire ayaa sheegay in Gobolka ay ku yaalan Dhul-beereed ay ka baxaan Cambe iyo Noocyada kale ee Qudaarta,wuxuuna amaanay sida Bulshada Mudug ay uga go’an tahay inay isku tashtaan,xilli horay Madaxwenaha Dawlada Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ uu ugu baaqay in reer Pauntland ay isku tashtaan.
Siciid Xassan Shire ayaa sheegay in Maamuladii soo maray Puntland aysan wax badan ka qaban hormarka Gobolka Mudug.
‘’Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Gobolka,wixii aan Warbixin ka hayno Gobolka oo ah in Dawladihii 16-ka sano aysan waxba ka qaban waan ku aragnay runtii’’Ayuu yiri.
Guddoomiyaha Baarlamanka iyo Wafdiga uu hogaaminayay ayaa dib ugu laabtay magaalada Garowe ee Caasimada Dawlada Puntland.
Hoos Ka Dhagayso Codka Guddoomiyaha;-
www.puntlandi.com.