(Pi Muqdisho) Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xaqiijyay in kolonyo kamid ah gaadiidka Qaramada Midoobay oo ku safrayay meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdiso lala eegtay gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Facebook ee xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay inuusan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalaha QM iyo dhammaan shakhsiyaadkii kale ee ku wehliyay socdaalkooda.
Waxaa kale oo xafiiska UNSOM uu sheegay inay jiraan khasaare soo gaaray dad shacab ah iyo ciidamada amniga oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo sheegay inay ka xun yihiin.
Ugu dambayn qoraalkaan waxaa lagu sheegay inay Qaramada Midoobay ku caawnayso dowlada in baaritaan lagu sameeyo falkaan dhacay.
Puntlandi.com