(Pi Nairobi) Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay ciidamadiisa sii joogidoonaan gudaha Soomaaliya oo ay ka qeyb ka qaadanayaan howlgallada Amisom iyo taageerada dowlada federalka Soomaaliya oo dagaal kula jirta kooxda Alshabaab.
“ Kani waa dagaal waajib nagu ah inaan ku guulaysandoono,” ayuu yiri madaxweyne Uhuru.”oo sheegay ujeedada ugu dambeysa ee dagaalkooda argigixisada inuu yahay abuuritaanka khilaafo ka dhan ah xagjirka.
Wuxuu ugu yeeray ururka Alshabaab “Xayawaano waalwaalan” kuwaas oo dilay in ka badan 800 dad ah gudaha Kenya, waxayna dadkaasi isugu jiraan 500 oo shacab ah iyo 300 oo askari.
“ Kama cabsandoono dagaalka aan kagasoo horjeedno Argigixisada dalkeeda iyo kuwo gobolka, Waxaan sii wadidoonaa inaan gaarsiino khasaare xanuun leh argigixisadaan ilaa iyo inta aan ka sugayno ammaankeena iyo midka gobolka,” ayuu hadalkii kusoo gabagabeeyay Uhuru Kenyatta .
Kooxda Alshabaab ka dambeysay xasuuq loo geystay shaqaale ka shaqeynayay godad macdanta laga qodo oo kuyaala gobolka waqooyi bari ee Kenya, waxayna ku dileen 36 ruux.
Puntlandi.com- Nairobi