Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Warbixin+Video) Reer Baydhabo oo Puntland ka baranaya Dawladnimada,codsadayna in La Mataaneeyo Garowe iyo Baydhabo.

$
0
0

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bay Cabdulqaadir Sheekh Cali iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayay ayaa todobaadkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Garowe ee Caasimada Dawlada Puntland.

Wafdiga ayaa u kuurgalay Ganacsiga baaxada wayn ee dadka kaso jeeda Gobolada Bay iyo Bakool ay ku haystaan Garowe,waxoday la dhaceen sida loo soo dhoweeyay,ayna ugu Gnaacsanayaan Puntland Bulshada Bay iyo Bakool.

Ujeedada socdaalka Wafdiga ayaa ahayd inay Dawlada Puntland oo 16-sano jirsatay ay ka bartaan hannaanka uu u shaqeeyo Maamulku iyo inay ka codsadaan in La-mataaneeyo Garowe iyo Baydhabo.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bay Cabdulqaadir Sheekh Cali ayaa qiray in Garowe ay tahay meel ay Soomaali oo dhan ay ku faanayso,wuxuuna amaanay sida ay isugu xiran yihiin Dawlada Puntland iyo dadweynaheeda.

‘’Runtii Garowe waxaan dhihi karaa waa meel Soomaali oo dhan ay ku faanio karto,habka isku xirnaanta shaqada Mas’uuliyiinta iyo Shacabka,waxaan rabaa inay Garowe iyo Baydhabo la mataaneeyo,waayo halkan waxaa jooga dad badan wxay noo sheegen inay ka shaqaystaan oo si wannaagsan loogu soo dhoweeyo’’Sidaa waxaa Ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Golka Bay xilli uu ka hadlayay kulan ay la qaateen Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland.

Wasiira Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Dawladaha Hoose Axmed Cilmi Cismaan ‘’Garaash’’ ayaa ka codsaday Wafdiga Baydhabo inay Guddoomiyaha Baarlamanka gaarsiiyaan sida Bulshada Bay iyo Bakool ay ugu nool yihiin Puntland,xilli horay Guddoomiyaha Baarlamanku uu meel ka dhac uusan raali galin ka bixin ugu gaystay Bulshada reer Puntland.

‘’Waxaan idin sheegaynaa anniga oo ku hadlay Afka Dawlada Puntland innaan diyaar u nahay in la Mataaneeyo Bosaso iyo Garowe’’Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland.

Reer Puntland iyo Dawladooda ayaa 23-sano raadinayay dib u hanashada Dawlad Soomaaliyeed,oo waqti,dhaqaale iyo Aqoon ay kaga luntay,haba joogto in looga abaal iyo mahadceliyee,waxay la kulmaan waxyaabao aan Abaartooda ahayn.

Hoos Ka Daawo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bay oo Puntland amaan kula dul-dhacay;-

www.puntlandi.com.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512