Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ayaa waxaa ka socda hormar balaaran ka dib markii Wadadii Todobaad oo Laami ah ay dhagax dhigeen Maamulka degmada Qardho.
Wadada ay dhagax-dhigeen Maamulka degmada Qardho,kuwo la dhameeyay iyo kuwo dhismahoodu uu socdo magaalada, ayaa noqonaya Waddooyinka Laamiga ah ee laga hirgaliyay degmada Qardho sanadka 2014,waxaana wadarta guud ee Waddooyinka sanadka 2014-ka laga hirgaliyay Qardho ay noqonayaan Todoba Waddo sida uu sheegay duqa degmada Qardho
‘’Waxaan u baahanahay in Wadada la dhaqaaleeyo,waxaan leeyahay Baabuurlayda hala illaaliyo Wadada,dhamaan Waddooyinka aan samaynay waxay kor u qaadayaan Bilicda magaalada’’Ayuu yiri.
Guddoomiyaha degmada Qardho ayaa dadweynaha ku nool magaalada Qardho ku booriyay inay bixiyaan Canshuuraha.
‘’Canshuur haddii aynaan bixin mano suura-galayso innaan Waddo helno oo Qashin nala ka qaado,dawladu waa shaqaale idinka idin shaqaysa ee Dhulka idinkaa leh’’Ayuu yiri.
Hoos Ka Dhagayso Codka Guddoomiyaha degmada Qardho;-
www.puntlandi.com.