Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Sawirro) Wasaaradda waxbarashada Puntland oo sagootisay arday deeq waxbarasho looga helay dalka Suudaan.

$
0
0

(Pi Garoowe)  Xarunta wasaarada waxbarashada ee magaalada Garoowe ayaa lagu qabtay munaasabad lagu saagootinayey 34 arday oo deeq waxbarasho looga helay dalka Sudaan.

Munaasabadaan waxaa kasoo qaybgalay wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Mudane Cali Xaaji Warsame, agaasimaha guud ee wasaarada Axmed Cabdullaahi Cali Shire, saraakiil katirsan wasaarada gaar ahaan qaybta Imtixaanaadka guud ee dalka, ardayda munaasabada looqabtay iyo martisharaf kael.

Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo Tacliiinta sare Mudane Axmed Cabdullaahi Cali Shire oo ugu horayntii munaasabada kahadlay ayaa faahfaafin kabixiyey ardayda munaasabada looqabtay wuxuuna tilmaamay in deeqdaani ay isugu jirto tii dowladda Sudaan Siisay Puntland iyo qaybtii Puntland ay kulahayd deeqaha Soomaaliya.

Mudane Cali Xaaji Warsame wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa ardayda kubooriyey in ay kasoo faa’iidaystaan aysana dayicin fursadahaan ay haystaan, Iskaashina lasameeyaan ardayda reer Puntland oo gobolada dalkaasi kusoo dhoweyn doonta.

Wasiir Cali Xaaji ayaa ardayda usheegay in wasaaradu ay kasoo baxday doorkeedii cadaalad samaynta xilligaana lajoogo xilligii ay kasoo bixi lahaayeen waajibaadkooda, noqdaana safiiro lagu daydo oo Puntland siwanaagsan u bara dadka dalkaasi.

Dhinaca kalena wasiirka ayaa kudheeraaday sida lagu soo xulay ardaydaan wuxuuna sheegay in madaxda wasaaradu aysan wax lug’ ah kulahayn sidii ardayda loosoo xulay laakiin ay kaliya lahaayeen dabagalkeeda.

Dalka Suudaan ayaa kamid ah dalalka deeqaha waxbarasho ee ugu badan siiya Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana sanadihii lasoo dhaafay ardayda reer Puntland laga hor Istaagey in ay dalkaasi deeqo waxbarasho u aadaan inkastoo lagu xalliyey heshiiski dhexmaray Puntland iyo Federalka.

Halkaan ka daawo Sawirada.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Puntlandi.com- Garoowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512