Garowe(Puntlandi.com):- Warqad ka soo baxday Xafiiska Madexweynaha dawlada Puntland mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa lagu magacaabay wasiiru-dawlaha Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntland.
Madexweynaha ayaa xilkan u magacaabay C/shakuur Mire Aadan oo ahaa markii hore Wasiir ku xigeenka Wasarada Dekedaha iyo gaadiidka Badda ee Puntland.
Madexweyne Faroole ayaa C/shakuur xilkan u magacaabay kadib markii uu tixgalin iyo qiimayn ku sameeyay Aqoonta iyo Waaya aragnimada shaqo ee uu leeyahay.
C/shakuur Mire Aadan wuxuu ka soo shaqeeyay mudooyinkii ugu dambeeyay oo uu Wasiir ku xigeen ka soo noqday Wasaaradaha hawlaha guud, Warfaafinta iyo Wasaarada Dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland oo ugu dambaysay, waxayna Magacaabistiisani ka mid ahayd isku shaandhayn uu Madexweynuhu maalmahan ku samaynayay golihiisa wasiirada.