Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Xeerka saxaafada Puntland oo la isla qaatay.

$
0
0

Magaalada Garowe ayaa caawa lagu qabtay xaflad kooban oo lagu soo bandhigayay xeerka Saxaafada Puntland oo ay gacanta ku hayeen Dallada PUNSAA oo kaashanaysa ururka MAP ka dib markii wasaaradu u furtay wadatashi.

Horaantii Sanadkan 2013 ayuu muran dhaliyay xeerkan oo u dhaxeeyay ururka suxufiyiinta iyo masuuliyiinta warfaafinta ,waxana ka dib lagu heshiiyay in guddi khuburo ah lo saaro iyadoona hawshan ay fududaynayso dallada ururada aan dawliga ahayn ee PUNSAA.

Wasiirka Warfafainta Prof.Axmed Shiikh Jaamac ,wasiirka Qorshaynta Eng.Maxamud Caydiid Dirir ,gudoomiye ku xigeenka PUNSAA Cadifataax Sugulle ,xoghayaha ururka suxufiyiinta MAP Burhaan Axmed Daahir ,Suxufiyiin ,sarakiisha bulshada rayidka iyo marti kale ayaa ka soo qaybgalay.

Ugu horeyntii waxa soo bandhigay xeerkan Cabdifataax Sugulle oo PUNSAA matalyay ,waxana uu sharxay sida ay iskugu keeneen dhinacyadii isku hayay xeerkan oo uu ka dhaxeeyay islamarkaasina ugu danbayntii soo saareen khuburo caawa xeerkan horyaala.

”PUNSAA dadaal dheer bay u gashay sidii dhinacyada warbaahinta iyo dowladda isku keeni lahayd meel dhex ah oo lagu wada qanco xeerka” Ayuu yiri Sugulle.

Burhaan Axmed Daahir xoghayaha MAP waxa uu bogaadiyay hawsha PUNSAA ,isagoona xusay inay lagama maarmaan xiligan Puntland u tahay in la helo xeer kala xadeeya suxufiyiinta iyo masuuliyiinta warfaafinta.

Xeerkan ayuu ku tilmaamay inuu ka wanaagsanyahay kan Somalia oo dhowaan walaac Caalamku ka muujiyeen ,isagoona tilmaamay inaan Puntland laga qaybgelin tashiga xeerka saxaafada Somalia.

”Xeerka saxaafada Somalia Puntland lagama talogelin ,waxa qayb muhiim ah ka tahay Puntland marka la dejinayo shuruucda dalka guud ahaan” Ayuu yiri Burhaan.

Wasiirki hore ee warfaafinta Puntland haatana qorshaynta u wareegay Eng.Caydiid Dirir ayaa sheegay isna in xeerkan uu kala hagayo dhamaan inta qaabilsan warfaafinta Puntland yimidna xiligii loo baahnaa.

Waxa uu raaciyay in dhowaan u gudbin doonaan xukuumadda si ay u ansixiso kadibna la horgeyn doono Barlamanka ,waxana ay iska kaashan doonaan MAP iyo PUNSAA inta ka dhiman hawshan marka la eego wax ka badalka iyo ku daridiisaba.

Ugu danbeyntii waxa soo xiray wasiirka warfaafinta Prof.Axmed Shiikh oo ka codsaday wasiirkii hore inuu kala shaqeeyo dhamaystirka hawshan maadaama uu horey u soo waday Caydiid shaqada xeerka saxaafada Puntland.

Kulankan ayaa ahaa mid lagu cadaynayo in isfahan laga gaaray xeerki saxaafada oo dhinacyadu ku qanceen,iyadoona la filayo in la meel-mariyo inta uu socdo fadhiga 30-aad ee golaha wakiilada Puntland.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512