Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Dhagayso) Xildhibaan Dhuxulow:’’Khilaafka Xalkiisa waxaan u aragnaa inay wada hadlaan Madaxda Federaalka”.

$
0
0

Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow oo ka mid ah Xildhibaanada Badbaado Qaran ayaa sheegay in xalka khilaafka dhexyaala Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha uu yahay inay wada hadlaan,si meesha looga saaro khilaafka baahsan oo dhexyaala Madaxda Federaalka.

‘’Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa isqabtay,dalka dhan isma qaban,waa inay wada hadlaaan waa Madaxdii Qaranka,haddii aanay isqancin Karin waa inay Baarlamanka uso gudbiyaan,oo ay yiraahdaan waxaan ayaan isku haynaa ee maxaa Sharci ah’’Ayuu yiri.

Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow ayaa sheegay in khilaafka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha uu horseeday inay hakad gasho shaqo aadag oo hortaalay Baarlamanka,waxaana shaqada qwayb ka ahaa Ansixinta Hindise Sharciyeedyo.

‘’Odayaasha dhaqanka ayaa damcay inay soo farageliyaan dhibaatada dhextaagan Baarlamanka,Madaxweynaha iyo Xukuumadda dhextaal,waa loo diiday waxaa la yiri Mooshinka ayaan ku xalinaynaa’’Ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow.

Hadalka Xildhibaanka ayaa kuso beegmaya xilli Mooshinka ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha uu fashilo ku dhamaaday,ka dib markii Xildhibaanada diidan ay si wayn uga horyimaadeen.

Hoos Ka Dhagayso Codka Xildhibaanka;-

www.puntlandi.com.

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles