(Pi Gaalkacyo) Maamulka goolka Mudug ayaa sheegay inuu meel fiican marayso baaritaanka dilkii loo geystay allaha unaxariistee wariye Cabdirisaaq Cali Cabdi Silver oo 18-kii bishaan xilli habeen ah lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Sidaasi waxaa sheegay gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Mudug Farxaan Cali Xaad oo isaga iyo duqa degmada Gaalkacyo iyo taliyaha qeybta ay booqasho ugu tageen qoyskii uu ka tagay marxuum wariye Silvar, halkaas oo ay ugu tacsiyeeyeen islamarkaana ay gudoonsiiyeen lacag dhan 1,000 oo tacsi ah.
Gudoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay inay rajeynayaan in lasoo saaridoona cidii ka dameysa dilka wariyaha Silvar islamarkaana aysan dhicidoonin sida wariyayaashii ka horeeyay isaga.
Saxafiyiinta ka howlgalla deegaanada Puntland ayaa wada olole ballaaran oo lagu taageerayo caruurtii iyo xaaskii uu ka tagay marxuum Silver iyo sidoo kale wariyayaashii ka horeeyay oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Allaha unaxariistii marxuum ayaa kamid ahaan jiray wariyayaashii aad ugu qareemi jiray in la takaakuleeyo oo aan la iloobin caruurtii ay ka tageen wariyayaashii horey loogu dilay magaalada Gaalkacyo, Isagoo bartiisa Facebooga soo dhigi jiray fariimo uu wariyayaasha ugu sheegayo in la sameeyo sanduuqo dhaqaale loogu aruurinayo qoysaska saxafiyiinta xaqdarrada lagu dilay. Waxaa kamid ah fariintaan hoos ku xusan.
Soomaalida qofka wax ugu yaal ama waxtarka ah u ah markuu dunida ka tago oo uu dhinto way iska illaawaan taariikhdiisa iyo caawinta ubadkiisa.
Saaxiibayaal qiimo yeelan mayno adduun iyo aakhiraba hadaynu keena dhintayna ka warqabin ubadkii iyo qoysaskii uu ka tagay, keenna noolna ayna talada wanaagsan u hogaamin.
Waxaad ogtihiin in Gaalkacyo ay ka mid tahay magaalooyinka Suxufiyiinta lagu beegsado,laguna laayay biri-ma gaydo fara badan oo aan waxba galabsan, aan soo qaato saxafiyin iyagoo dalkooda iyo dadkooda u shaqayna micno darro lagu dilay la iskana illaaway in laga warqabo ubadkii ay ka tageen.
Miyaynaan illaawin ubadkii iyo qoysaskii ay ka tageen saxafiyiintaan.
AUN.Farxan Jemis C/dulle
AUN Cali Axmed Cabdi
AUN Liban c/lahi Farax (Qaran)
AUN Cali Maxamed Cali (Suldan)
AUN C/laahi Cumar Geeddi
Waa saaxiibaddeenii adduunka aynu mar walba ka dhigan jirnay dadka aynu dadka ugu jecel nahay, marka miyaan ilawnay markii uu alle oofsaday, akhyaartan markii ay dunida sii calfan waayeen aynu wax tari waynay ubadkoodii iyo qoysaskoodii, ugu horayn qiimaha maalinta jimcahaa awgeed alle ayaan uga baryayaa inuu janadii ka waraabiyo, waxaan dhamaan cid walba oo fariintan aragto aan xusuusinayaa inay alle dartii iyo Soomaalinimo aynu u caawinno ubadkii ay ka tageen saaxiibadeen hore aynu tarno wax inaga nagu yar ubadkana wax taraya, aynu samayno sanduuq aynu ku caawinayno qoysaska raggaas.
Waxaan kaloo farriin u dirayaa jaaliyadaha ,hay’adaha, shacabka iyo maamulada intaba inay wax taraan qoysaska marxuumintaas iyagoo dadkooda u shaqaynaya alle uu oofsaday ama ay dishay gacan ka xaqdaran, haddii kale waxaa imaanaysa maalin inta nool ay idiin arkaan dad markay saxafiyinta nool yihiin oo kaliya garta oo xusuusta.
Talo iyo in arimaha aan soo sheegay wax la is ka dhaho baa la iska rabaa, ugu danbeyn inta nool allaha badbaadiyo.
Mahadsanidiin.
Caruurtii uu ka tagay marxuum Silvar
Puntlandi.com- Gaalkacyo