Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Al-Shabaab oo sheegetey weerarkii Turkiga lagu qaadey shalay, iyo hanjabaad hor leh oo Shabaab kasoo yeertey

$
0
0

Mogadisho– 28 luuliyo,2013–Pi– Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere oo Saxaafadooda ka hadlay ayaa shaaca ka qaadey in ay iyagu ka dambeeyeen weerarkii shalay oo sabti ahayd lagu qaadey Shaqaalaha Turkiga, Cali Dheere wuxuu intaas raciyey in ay Dileen lix Turki ah, isla markaasna Al-shabaabkii weerarka geystey ay qaarkood nolol ugasoo noqdeen weerarka.

Cali dheere wuxuu shaciyey in ay sii wadayaan weerarada lagu hayo Turkiga sababtoomah buu yiri Turkigu waxay gacan siiyaan kuwa kusoo duuley Islaamka.

Al-shabaab waxay sheegteen in Dagaal yahanadoodu ay gudaha u galeen Dhismaha Ay daganayeen Shaqaalaha Turkiga ah ayna halkaas ku dileen Turki gaaraya Lix kuwo kalane ay dhawaceen, laakiin Waaarada Arimaha Dibada Turkigu waxay maanta shaaciyeen in hal Askri uga dhintey weerark Sadex kalane ay dhawac yihiin.

Hanjabaadaan kasoo yeertey Al-shabaab iyo weerarkii shalay waxay kusoo beegmayaan xili uu maanka Magaalada Muqdiaho aad usii xumaanayo iyadoo qaraxyadu ay hada joogto noqdeen.

Puntlndi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles