Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Turkiga oo askari uga dhintey shan kalana uga dhawcantay weerarkii shalay

$
0
0

Mogadisho– 28 luuliyo,2013–Pi– Inkastoo shalay saxaafada laga qariyay waxyeeladii rasmiga ahaa ee ka dhalatay weerarkii shalay lagu qaadey Dhisme ay degin yihiin Shaqaalaha Turkig ee Muqdiaho jooga hadana waxa maanta soo baxay wararkii Rasmiga ahaa.

Weerarkii Shalay oo sabti ah lagu qaaday Turkiga wuxuu ahaa mid u qorsheysnaa sidii kii lagu qaadey Xarunta Xafiis kamid ah Xafiisyada Qaramada Midoobey ee Muqdisho bishii hore, sida markii hore loo shaaciyay weerarku ma ahayn oo waxa weerarka soo qaadey ugu yaraan shan ruux oo qarkood isqarxiyeen.

Waxaa hada la xaqiijiyey in Askari turki ah uu ku dhintey weerark, dhawaca Turkidana uu gaarayo Afar Askari.

Sidee Weerarku u dhacay

Dhismaha waxaa markii hore soo weeraray Qof naftiis halige ah, wuxuuna qofku isku qarxiyey Gidaarka dhismaha, durba waxaa soo weeraray gurigii koox hubeysan waxana difaac adag kala hortagy Ciidanka Turiga.

Sida loo xaqiijiyey Puntlandi rasaasta waxaa la isdhaafsanayay mudo ka badan Sodan Daqiiqo.
Dhaawicii Turkiga waxaa durba loo duuliyey Dalka Turkiga.

Weerarka lagu qaadey Turkiga wuxuu cabsi weyn ku abuuray shaqaalaha Turkiga ee ka howlgala Muqdisho iyadoo maalmahaan Weerarada ismiidaaminta ay aad ugusoo badanayaan Magaalada, waxaana hada caado noqotay in uu Qarax ka dhco Magaalada maalin walba ama maalin dhaaf.

Sawirkan kore wuxuumaanta kusoo baxay Saxaafada Turkiga

Puntlndi.com
Muqdiaho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512