Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

War Deg Deg — Dowlada Denmark oo kansashey Shirwayn oo Madaxweyne Xasan la yeelan lahaa Qurba joogta Scandinavianka

$
0
0

2014-11-12 18.53.54 Dowlada Denmark oo soo abaabushey Shirka New Deal ee ka dhacaya Magaalada Copenhegan 19 iyo 20 Novembar ayaa hada sheegtey in la kansaley kulan qayb ka ahaa shirkaas kasoo ahaa kulankii Qurba joogta iyo Madaxweyne Xasan Sheikh.

Shirka Qurba joogta ayaa lagu casumay ku dhowaad 500 oo soomali ah oo ku nool Scandinavianka.

Wasaarada Arimaha dibada oo qoraal arintaas kasoo saartey ayaa sheegtey in la kansalay kulankii Madaxweyne Xasan Sheikh la yeelan lahaa Qurba joogta ee ka dhici lahaa Copenhegan kasoo Wasaarada Arimaha Dibada ay gacanta ku heysay.

Kulankaan la baajiyey wuxuu qayb ka ahaa shirka New Deal ee dhacaya 19 iyo 20 Novembar kasoo isaga ajandihiisa aysan waxba iska badalin.

Wasaarada Arimaha Dibada Denmark ayaa kulankaan hada la baajiyey horey u qorshetsay in Madaxweynuhu uu Qurba joogta la hadlo maalin ka hor intaan shirka New Deal ku furmin.

War maanta kasoo baxay Wasaarada Arimaha dibada Denmark wuxuu muujinayaa in Shirka New Deal uu u dhacayo sidii la qorsheeyey.

Kanasalida ay Dowlada Denmark kansashey kulanka Xasan Sheikh waxay muujineysaa in meekhaankii Madaxwaynaha hoos loo dhigey iyadoo ay jawaab cad u tahay khalkhalkhalka Siyaasadeed ee hada ka jira Villa Somalia.

Wixii kasoo kordha shirka New Deal kala soco Puntlandi.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles