Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Sawiro) Prof. Axmed Jaamac Ganay oo Dhagax dhigay Dugsi Sare oo Laga hirgalinayo Deegaanka Bandar-Ziyaada ee Qaw.

$
0
0

Prof. Axmed Jaamac Ganay oo ka mid ah Aqoonyahanka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u Dhagax dhigay Dugsi sare oo ay yeelanayso Deegaanka Bandar-Ziyaada ee Qaw,ka dib Munaasabad ka dhacaday deegaanka Bandar-Ziyaada.

Munaasabada Dhagax dhiga ayaa waxaa ka qayb galay Waxgarad,Quraba-joog,Waalidiin,Macalimiin,Arday iyo marti sharaf kale.

Prof. Axmed Jaamac Ganay oo ka hadlay Munaasabada Dhagaxdhiga ayaa sheegay in Bulshada deegaanka ay go’aansadeen in Deegaanka Bandar-Ziyaada laga hirgaliyo Dugsi Sare,si loo wax looga qabto baahiyaha Waxbarasho ee ay tabayaan Ardayda  ka qalinjabisa Dugsiga Hoose Dhexe ee Bandar-Ziyaada.

‘’Ardaydii ugu horaysay ee ka baxay Fasalka Sideedaad ee Dusgi dhexe ayaa noqday Fasal Kowaad 1-aad ee Dugsi sare,waxaa loo baahday Dusgi sare sidaa darteed Jaaliyadda Dibada iyo Bulshada Deegaanka ayaa go’aansaday in Ardayda loo dhiso Dugsi sare,maanta ayaan nasiib u yeelanay inaan Dhagax Dhigno’’Ayuu yiri Prof. Axmed Jaamac Ganay.

Aqoonyahan Axmed Jaamac ayaa sheegay in Mustaqbalka ay kor u qadayaan tayada Dugsiga sare ee laga hirgalinayo Bandar-Ziyaada,si arrintaasi ay u horseedo in Waxbarasho looga soo doonto meelo kala duwan oo ku yaala dalka.

‘’Waxaan u mahadcelinayaa Jaaliyadda Sweden ee reer Bandar-Ziyaada,waxaan kaloo u mahadcelinayaa Macalimiintii Ardayday mudada sideeda sano ah wax soo baraysay una dhabar adeegaysay’’Ayuu yiri Prof. Axmed Jaamac Ganay.

Macalin Cabdinaasir Maxamed Cali oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay inuu Marxalado kala duwan ay soo martay Hormarinta Waxbarashadda Bandar-Ziyaada,oo uu sheegay in Wadadii Hormarka ay cagta saartay.

Fawsiya Ciise Axmed ‘’Suufi’’ oo ka mid ah Qurba-joogta Deegaanka ayaa ku boorisay Jaaliayada inay ku daydaan Jaaliyada dhigooda ah ee ku nool dalka Sweden.

‘’Waxaan u mahadcelinayaa Jaaliyadda Sweden ee dhismaha Iskuulka ka dambaysay,waxaan Jaaliyadaha kale ku boorinayaa inay ka qayb qaataan hormarka deegaanka’’Ayay tiri Fawsiya Ciise Axmed ‘’Suufi’’

Maxamuud Badashiil iyo qaar ka mid ah Ardayday oo la hadlay Saxaafadda ayaa si wayn uso dhoweeyay talaabada Deegaanka looga hirgalinayo Dugsi Sare.

Inkasta oo ay jiraan Arday dhigata Fasalka Kowaad ee Dugsi Sare oo wax ku barta Bandar-Ziyaada,hadana dhismaha loo dhisayo ayaa noqonaya dhismaha rasmjiga ah ee ay wax ku bartaan Mustaqbalka,maadama ay hadda wax ku bartaan fasalo ka mid ah Dusgsiga Hoose Dhexe ee Bandar-Ziyaada.

Waxa xusid mudan in Deegaanku uu leeyahay Khyaraad kala duwan oo isugu jira Macdanta,Beeraha,Kalluumaysiga iyo Xoolaha.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

www.puntlandi.com.

13 12 11 10 19 14 24 1 2 4 5 6 8 9 7 15 16 17 23 25 26 27 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 45 3 18 44 28 20 21 22


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles