Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(SAWIRRO) Madaxweynaha Turkiga Rajev Erdogan oo dhistey Qasriga adduunka ugu weyn oo loogu magac daray Aqalka Cad

$
0
0

Madaxweynaha waddanka Turkiga Rajev Tayib Erdogan ayaa loo dhisay qasri madaxtooyo oo noqonaya qasrigi ugu weynaa adduunka ee hoggaamiye waddan uu dago.

Aqalka Cad ee Maraykanka iyo waliba Aqalka Kremilin-ka ee Ruushka iyo Buckingham Palace ee Ingriiska ayaa noqonaya qasriyo yaryar marka la barbardhigo qasriga uu dhistey madaxweyne Erdogan, waxaana qasrigaan magaciisa lagu dhacay magacaabaa Qasriga Cad marka laga turjumo afka Turkiga.

Qasrigaan weyn ee loo dhisey madaxtooyada Turkiga ayaa waxa ay ku taalaa duleedka magaalada Ankara, waxayna ka kooban tahay 1000 xafiis.

Waxaa Qasrigaan ama dhismahaan ku baxday qarash dhan 615 malyuun oo doollar, waxaana qorshaha ku jirta in 135 malyuun doollar oo kale lagu qarash gareeyo sanadka soo socda.

Mar wax laga weeydiiyey madaxweynaha Turkiga H.E Erdogan qasriga iyo qarashka badan ee ku baxay ayuu sheegey in booska ay adduunka ka joogto Turkiga uu yahay mid ka turjumaya qasriga baaxadiisa, wuxuuna sheegey in ay doonayaan in ay tixraacaan dhaxalkii boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

5

1

5

2

3

4

1

Ankara, Puntlandi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512