(Pi Saaxo) Mas’uuliyiin ka socday Maamulka Puntland iyo Ethiopia ayaa ka wada hadlay kor u qaadida xiriirka Gobolada Mudug iyo Doollo iyo sidii la isaga kaashan lahaa adkaynta amaanka,loona hirgalin lahaa Ganacsig xoogan oo u dhexeeya labada dhinac.
Puntland iyo Ethiopia ayaa isku raacay in la wada dhowro Xuduudaha labada dhinac,labada shacabna ay si wada jir ah uga hortagaan wax kasta oo Liddi ku ah amaanka.
Kulanka ayaa daba socday kulamo horay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Ethiopia ku dhexmaray horaantii bishii Septembar,kaasi oo ay ka qayb galeen Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland.
Linkigan ka dhagayso Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka Warbixinaya wajiga kowaad ee kulanka oo dhacay horaantii bisha Septembar,http://puntlandi.com/dhagayso-dowladaha-puntland-iyo-ethiopia-oo-bilaabaya-ganacsi-xoogan-oo-u-dhexeeya/.
Hoos Ka Daawo Sawirada wajiga labaad ee kulanka;-
www.puntlandi.com.