Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta qado sharaf loogu sameeyay deegaanka Jibegale oo ah Dhulbeereed aad u qurux badan oo ku yaala Duleedka magaalada Garowe ee Caasimada Dowlada Puntland.
Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ku Dalxiisay Dhulbeereedka aadka u quruxda badan ee Jidhigale, waxaaana uu Madaxa la ruxay Gobonimada Miisaanka wayn ee taala Puntland.
Qado sharafta ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha kala qayb galay Wasiiro iyo Xildhibaano oo ka mid ahaa Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha,waxaana goobta kuso dhoweeyay dadka deegaanka,oo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin socdaalka Ra’iisul Wasaaruhu uu ku yimi Puntland.
Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka mahadceliyay Caasumaada isdaba jooga ah ee ay u samaynayaan Dowlada iyo dadweynaha reer Puntland.
www.puntlandi.com.