Kooxo Hubaysan ayaa maanta magalada Muqdisho dhaawac culus ugu gaystay Wariye Cabdirisaaq Jaamac Cilmi Black,ka dib markii ay rasaas la beegsadeen xilli uu kaso baxayay Guriga uu ka dagan yahay Muqdisho.
Suxufiga la dhaawacay ayaa ah Maamulaha Telefishanka Somalichannel xarunta uu ku leeyahay Muqdisho,waxaana Kooxaha dhaawaca u gaystay Wariyaha ay ka baxsadeen goobta ay falka ka fuliyeen.
Wararka aanu ka helayno Muqdisho ayaa sheegaya in Wariye Cabdirisaaq Jaamac Cilmi Black lagu samaynayo qaliin,waxaana Xabadaha lala beegsaday ay ka haleelen Caloosha iyo dhabarka ee qaybta sare Jirka.
Inkasta oo dilalka ka dhaca Muqdisho ay dadka Soomaaliyeed ugu yeeraan ”DANO BADAN”,hadana waxaa inta badan sheegta Ururka Shabaab.
Ma aha markii ugu horaysay oo qof Rayid ah maalin cad lagu beegsado Muqdisho,waxaana weerarka uu qyab ka noqonayaa dilal galaaftay Nolosha dad rayid ah iyo Mas’uuliyiin,kuwaas oo ka dhacay Muqdisho.
Guddiga Baarista iyo Dabagalka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Cunaqabataynta Hubka wadamada Eritrea iyo Soomaaliya ayaa Warbixin ay soo saareen ku sheegay in Hubka Dowlada Federaalka uu gacanta u galay Shabaab,laguna iibiyo Muqdisho,arrintaas oo dhaawac iyo dhibaato ku ah Dowladnimada.
Si kastaba ha ahate,Dowlada Federaalka ayaan ku guulaysan inay wax ka qabato amaanka Muqdisho oo ah mid aan la isku halayn karin.
www.puntlandi.com.