Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Alshabaab oo qalabkooda dagaalka ka gurtay Baraawe oo ahaa saldhigoodii ugu weynaa

$
0
0

(Pi Baraawe) Kooxda Alshabaab ayaa bilowday iney isaga baxdo magaalada xeebta leh ee Baraawe oo ah saldhiga ugu weyn ee Alshabaab ku lahaayeen gobolka Shabeellada Hoose, islamarkaana ay deganaayeen inta badan madaxd Alshabaab.

Ciidamada Amisom ayaa kaabiga u saaran inay gudaha ugalaan Baraawe oo haatan lagusoo waramayo inay tahay mid bannaan oo aan cidna gacanta ugu jirin.

Alshabaab ayaa la arkayay iyagoo la socda gaadiidkooda dagaalka oo magaalada isagii baxaya. Waxaana ciidamada huwantu u jiraan masaafo kayar 20 km.

Alshabaab ayaa hadda fariisimo ka sameystay halka loo yaqaano Ambareeso iyagoo halkaa difaacyo ka dhigtay, sida dadka deegaanku ay kusoo waramayaan.

Shabaab-Dhooltus-8

Puntlandi.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512