Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Dhagayso) Guddoomiyaha Gobolka Bari:’’Amnigu wuxuu lagama maarmaan u yahay Nolosheena’’.

$
0
0

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Maxamed Galan ayaa dadweynaha ku nool Gobolka Bari ku booriyay inay ka shaqeeyaan amniga Gobolka Bari,si buu yiri loo gaaro  hormarka ay Puntland hiigsanayso.

‘’Waxaan nasiib u yeelanay deegaan Barwaaqo ah oo leh Khayraad fara badan oo qaybna bannaanka timi,qaybna aysan wali iman bannaanka,tan Xabaalan waxay imaysaa marka dadka soo saaraya ay helaan Kalsooni,in la adkeeyo amniga wuxuu lamaga maarmaan u yahay Nolosheena iyo amnigeena’’Ayuu yiri.

Cabdisamad Maxamed Galan ayaa Ciidamada qabalka sida ee Puntland ugu hambalyeeyay guulihii ay ka gaareen Kooxda Shabaab.

Mar uu ka hadlayay muhiimada Ciidamada Puntland ay u leeyihiin dalka ayaa wuxuu yiri ‘’….Waxaan u baahanay inaan dareeno ninka Ciidanka ah,maanta halkan ayaan la bisanahay Carruuraheena ayaan gacanta haysanaa,waxay iyaguna fadhiya Qabow iyo Dhagaxan,waa inaan ogaana waxaay halkaa u fadhiyaan inay tahay inaynu u Ciidno sidan quruxda badan’’.

Wuxuu intaas ku daray ‘’Waxaa loo baahan yahay Ganacsatada,Culumada iyo Waxgaradka in Ciidamada laga farxiyo marka ay Guulo soo hooyaan loo Hambalyeeyo,xaafadahooda iyo Ciyaalkooda loo tago oo loo Hambalyeeyo,waana inay u noolaadan sida aan u noolnahay’’.

Hadalkan ayaa Guddoomiyuhu uu ka sheegay xilli uu maanta la hadlayay dadweynaha aad u badan oo Salaada Ciida ku Tukaday Garoonka Kubadda Cagta ee Bosaso.

Hoos Ka Dhagayso Khudbada Guddoomiyaha;-

www.puntlandi.com.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles