(Pi Garowe ) Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntand ayaa maanta xukun dil ah ku riday nin lagu eedeeyay inuu katirsan yahay kooxda Alshabaab oo lagu sheegay inuu ka qeyb qaatay dilal loo geystay ma’suuliyiin katirsan Puntland oo ay kamid ahaayeen, xildhibaano, gudoomiyayaal maxkamadeed, xeer ilaaliyayaal, agaasimayaal iyo saraakiil ciidan oo la dilay intii u dhaxeysay sanadihii 2009 iyo 2011.
Ninkaan oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Maxamed Cali ayaa lagasoo qabtay magaalada Gaalkacyo. Waxaana maanta maxkamadu ku riday xukun dil ah sida uu sheegay xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Puntland Cabdillaahi Xirisi oo ku magac dheer Cabdillaahi Dheere.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inuu ninkaan qirtay dambiyo la xiriiray dilka 23-ruux oo katirsanaa hay’addaha dowladda Puntland oo qaarna uu dilay kuwo kalena uu waxka maleegay. Waxaana xeer ilaaliyuhu sheegay falalkaan dilka ah inay dhammaantood ka dhaceen magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo.
Muddo 30-cisho ah ayay maxkamadu dambiilahaan siisay racfaan uu kaga doodi karo xukunka dilka ah ee lagu riday oo ka turjumaya dambiyada lagu helay.
Ninkaan lagu riday xukunka dilka ah ayaa gacanta lagu dhigay bishii koowaad ee sanadkaan. Xilligaas oo ay Puntland ku jirtay xaalad amni oo loogu diyaar garoobayay doorashooyinkii madaxtinimo ee 8dii bsihii january.
Hoos Ka Dhagayso Codka Xeer Illaaliyaha Maxkmada Ciidamada Puntland;-
Puntlandi.com-
Garowe.