Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Dhagayso) Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland oo ka qayb galay sanad guuradii 1-AAD ee Puntland Tv.

$
0
0

(Pi Garowe ) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdi Xakiin C/laahi Xaaji Cumar camey maanta ka qeybgalay munaasabad lagu maamuusayay sanad guuradii  koowaad ee kasoo wareegatay markii uu hawada si rasmi ah u galay Tvga Puntland.

Mas’uuliyiin katirsan xukuumadii hore Puntand oo ay ku jireen wasiirkii hore ee maaliyada Faarax Cali Shirre iyo wasiirkii waxbarashada Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa ka dhexmuuqday munaasabada. Sidoo kale waxaa kusugnaa wasiiro iyo mas’uuliyiin katirsan xukuumada cusub ee Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ing, Camey ayaa ugu hambalyeeyay maamulka iyo wariyayaasha Puntland Tv  shaqadii qaran ee ay soo qabteen halkii sano ee lasoo dhaafay isagoo sheegay inuu Tvgu kaalin muhiim ah ka qaatay horumarka Puntland. Wuxuuna intaas kadib shahaadooyin gudoonsiiyay dhammaan shaqaalaha Tvga dowladda Puntland oo lagu amaanay howlkarnimo shaqo.

Sidoo kale jamaacaddaha PSU, Bariga Afrika iyo shirkada isgaarsiinta ee Golis ayaa iyaguna la gudoonsiiyay shahaadooyin ay ku mutaysteen qaabkii ay ula shaqeeyeen Tvga.

Agaasimaha guud ee Tvga Puntland Axmed Maxamed Cali (Kismaayo) ayaa sheegay inay sanadkaan kor uqaadidoonaan shaqada warbaahinta dowladda iyadoo uu sheegay in idaacadda dowladda la gaarsiindoono meelaha fog fog oo aysan hadda gaarin. Sidoo kale wuxuu sheegay inay horumarindoonaan shaqada Tvga.

Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cabdi Weli Xirsi Cabdulle ayaa ku booriyay warbaahinta madaxda inay nabada ka shaqeeyso halkii ay ka qeybqaadan lahayd kicinta dadka.

Bishii June ee sanadkii 2013 ayuu si rasmi ah hawada u galay talefishinka dowladda Puntland oo ay kasoo shaqeysay howshiisa xukuumada hore ee Puntland.

Hoos Ka Dhagayso Codka Madaxweyne ku xigeenka Puntland;-

post@puntlandi.com.

Garowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles