Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Muudg Maxamed Yusuf Jama Tigey ayaa gaaray xaafada baraxlay ee koonfurta Gaalkacyo,si ay ula wareegaan eedeysane maamulka Galmudug ay sheegen inuu ka mid ahaa ragii weerarka ku qaaday dad rayid ah oo ku sugnaa xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.
Inkasta oo Galmudug ay sheegtay in eedeysanahan ay Maxkamad saari doonto,oo ay ka dhega adaygtay inay ku wareejiso Puntland,hadana xiriir wada sameeyen Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa arrintaasi ay ku suura gashay.
Eedeysanaha oo dhaawac ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciidanka Booliska xaafada Baraxlay ee Koonfurta Gaalkacyo,waxaana la filayaa in si rasmia h loogu wareejiyo Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Mudug.
Waxaa lagu magacaaba eedeysanaha Dowlada Puntland lagu wareejinayo C/xakiin Xasan Xaamud,kaas oo Da’diisa lagu qiyaasay 16 jir,wuxuuna kaso jeeda Gobolada Koonfureed ee dalka.
Filo Gor dhow Faahfaahin dheeri ah.
Puntlandi.com.
Galkacyo.