Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Warbixin+Dhagaysi) Taliska Ciidanka Booliska Galmudug oo Saxaafada uso bandhigay nin ku eedeysan inuu ka mid ahaa Kooxdii xalay weerarka ka gaystay xaafada Garsoor

$
0
0

Taliska Qaybta Booliska Koonfurta Gaalkacyo ayaa soo bandhigay nin  ku eedeeysan inuu  ka mid ahaa Kooxo hubaysan oo xalay weerar Hubaysan ku qaaday Maqaayad ku taala xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo,kuwaasi oo dhaawac u gayastay dad rayid ah oo Maqaayada ku cawaynayay.

Taliyaha qaybta Booliska Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug  Maxamed Nuur ayaa sheegay in eedeysanaha ay Saxaafada uso bandhigeen  uu ka tirsan yahay Al-shabaab,xilli Dowlada Federaalka Soomaaliya ay Hub kuso daabaulayso Koonfurta Gaalkacyo.

”Waxaan nasiib u yeelanay in aan gacanta ku dhigno Cabdixakiin Xassan Xaamud 16-sano jir ah,qalabka hortayada yaala waxaan kaso qaadnay Gurigiisii”Ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in Galmudug ay ka go’an tahay inay sugto amaanka,waxaana uu ka codsaday dadweynaha inay ka qayb qaataan illaalinta amaanka.

Koonfurta Gaalkacyo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa si isdaba joog ah u gaarayay Hub ka imanayay Dowlada Federaalka Soomaaliya,waxaana arrintaasi walaac xoogan ka muujiyay Siyaasiyiin kaso jeeda Galmudug.

Hoos Ka Dhagayso Shirka Jaraa’id ee Maxamed Nuur;-

Puntlandi.com

Gaalkacyo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles