Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Warbixin: Madaxweyne Gaas oo qado sharaf ku martiqaaday xubnaha Barlamanka Puntland (Sawirro)

$
0
0

Isniin, Garowe, 27, 01, 2014. Madaxweynaha Dowladda Puntland Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta qado sharaf ku casumay mudanayaasha Baarlmanka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar ayaa wehelinayay, waxana Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire uu ku soo dhoweeyay madaxweynaha golaha, isagoona uga mahadceshay qado sharfeedka uu qabtay.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horeyn ka raaligeliyay mudanayaasha Baralamanka khaladad yar oo dhacay xiligii Xaflada Calemasaarku ay socotay 24-kii bishan Jan, waxana uu ka hor jeedshay golaha khudbad kooban oo uu uga hadlay ajandaha siyaasadeed ee xukuumadda uu soo dhisayo.

Shir wadatashi ah ayuu madaxweynuhu ku dhawaaqay in la qaban doono 100-ka maalmood ee ugu horeeya kaasi oo ah mid dib u heshiisiin oo beelaha Puntland danta guud uga hadli doonaan.

Dib u habaynta dhaqaalaha Puntland ayuu sidoo kale Prof. Cabdiweli Gaas sheegay in ugu horeyso meelaha ay bartilmaamsan doonaan qorshe hawleedka xukuumadda uu soo dhisayo.

Amniga iyo xasiloonida Puntland ayaa madaxweynuhu xusay in lagama maarmaan tahay adkeyntoodu, iyadoona tababar iyo tayayn loo samayn doono laamaha kala duwan ee amaanka ku hawlan.

“Amaankeenu waa suganyahay, Puntland waa ay fiicantahay balse waxa loo baahanyahay inaan sii adkeyno si markaasi horumarka kale aanu rabno uu noogu hirgalo’’ ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Xukuumadda uu soo dhisayo madaxweynuhu maalmaha inagu soo aadan ayuu ku tilmaamay mid lagu saleynayo baahida Puntland iyo sidii loo heli lahaa xukuumad ku shaqeysa himilooyinka Puntland.

Mudanayaasha ayaa su’aalo dhowr ah waydiiyay Madaxweynaha Khubdadiisa ka dib kuwaasi oo ku aadanaa qaabka ay u hawlgaleyso xukuumadda uu soo dhisayo madaxweynuhu.

Hoos ka daawo Sawirrada:-

IMG_0004

IMG_0007

IMG_0012

IMG_0019

IMG_0023

IMG_0027

IMG_0029

IMG_0030

IMG_0031

IMG_0032

IMG_0034

IMG_0042

IMG_0044

IMG_0046

IMG_0049

IMG_0050

IMG_0052

IMG_0055

IMG_0057

IMG_0061

IMG_0063

IMG_0067

IMG_0069

IMG_0072

IMG_0074

IMG_0077


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512