Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa bilaabay inuu la kulmo waxgaradka iyo issimada Puntland si loo dardargaliyo midnimada iyo nabadgalyada degaanada Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wuxuu maanta la kulmay Fiqi Bashiir Cabdulle Cusman iyagoo ka wada hadlay midnimada iyo nabadgalyada degaanada Puntland.
Fiqi Bashiir Cabdulle Cusmaan ayaa madaxweynaha ugu hambalyeeyay xilka loo doortay iyo sida wanaagsan oo nabadda ah ay doorshada u dhacday xilkana ay ku kala wareegeen isaga iyo madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdirxman Faroole, wuxuuna Fiqi Bashiir madaxweynaha iyo hoggaanka cusub ee Puntland loo doortay ugu duceeyay inuu Ilaahay howsha umadda u dhiibatay u fududeeyo islamarkaana ay shacabka Puntland cadaalad ugu shaqeeyaan.
Puntlandi