Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Maxaa sababay in Tarsan loo magacaabo Wasiir Xigeen iyo inuu diidey Jagadaas

$
0
0

Nairobi–17 Jan.2014–Pi– Gudoomiyaha Gobalka Banaadir isla tarzanmarkaasna ah Duqa Muqdisho Mr. Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa Xalay halmar kasoo dhex boodey Liiska Golaha Wasiirada ee Xukuumada Raysal wasaare Cabdiwali Sheikh, ka dib markii loo magacaabey wasiir ku xigeen.

Maxamuud Tarsan markii uu Magaciisa ka maqley Idaacada goor dambe oo Xalay ah 16.1.2014 ayuu teleefoonka qabsadey wuxuuna idaacadaha u sheegey inuusan waxba kala socon jagada loo magacaabey isla markaasna aan isaga haba yareetee aysan cidna kala tashan in loo magacaabo Wasiir Xigeenka Ciyaaraha iyo dhalinta, Mr. Tarsan wuxuu raaciyey “Dooni maya jagadaas xitaa wasiir ma rabo”.

Howlwadeenada Puntlandi oo maanta la hadley Dad ay Tarsan aad isugu dhow yihiin waxay noo sheegeen in Jagadaan loo magacaabey Tarsan uu ka dambeeyey Madaxweyne Xasan Sheikh tasoo ahayd khiyaano la doonayay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir xilka looga qaado sidaas kadibna Gobolka Banaadir uu Madaxweynuhu usoo Magacaabo nin ay isaga aad isugu dhow yihiin.

Sida aan warkaan ku helney Tarsan ruuxiisu wuu fahmey Khiyaamada ka dambeysa in loo mgacaabey Wasiir Xigeen taasaana keentey inuu durba ka cudu daarto jagadaas cusub.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu Maalmahaan Qorsheynayay inuu Xilka ka qaado Tarsan balse wuxuu la sugaya Xili munaasib ah oo uu heli karo cududaar uu kursigaas uga baneeyo.

Lama oga talaabada iyo isku dayga xiga ee uu qaadayo Madaxweyne Xasan Sheikh si uu uga taqaluso Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Tarsan.

Puntlandi.com
Nairobi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512