Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Warbixin+Sawiro) Munaasabad xariga looga jaray Dugsi hoose,dhexe oo ka dhacday degmada Xiriiro ee Gobolka Bari

$
0
0

Munaasabad balaaran oo  xariga looga jaray Dugsiga hoose,dhexe ee Maxamed Ismaaciil Dawaarik oo ay kaso qayb galeen maamulka degmada Xiriiro,arday,haween,Waxgarad,waalidiin iyo dhalinyaro ayaa ka dhacday degmada Xiriiro ee Gobolka Bari.

Dugsiga hoose,dhexe ee Maxamed Ismaaciil Dawaarik ayaa la filaya inay wax ku bartaan 1000-arday oo ka kooban wiilal yo gabdho,waxaana dhismihiisa hirgaliyay Jimciyada Nuur Foundation.

Guddoomiyaha degmada Xiriiro Cabdiwahaab Maxamed ismaaciil oo ka hadlay Munaasabada xariga looga jaray dusgiga ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay Jimciyada Nuur Foundation oo hirgalisay dhismaha dugsiga hoose,dhexe ee Maxamed Ismaaciil Dawaarik.

Kormeeraha Waxbarshada Jimciyada Al-nuur Foundation  Maxamed Cismaan  Dheere ayaa sheegay in Jimciyada Nuur Foundation ay goobo Waxbaarsho ka hirgalisay degmooyinka Qandala,Balidhidin iyo Xiriiro,isal markaana Dugsiga hoose,dhexe ee Maxamed Ismaaciil Dawaarik uu noqonayo Dugsigii afraad ee ay Jimciyadu hirgaliso.

Nabadoon Maxamed Khuurshe Xaaji iyo Abshiro Cali oo ka hadlay Munaasabada ayaa si wayn uso dhoweeyay Dugsiga cusub.

Hormar balaaran oo dhinaca Waxbarashada ah ayaa laga dareemayaa Gobolada Puntland,waxaana hirgalinta Iskuulada ku yaala degmooyinka ka baxsan Laamiga ay  horseedayaan in Jiilka soo koraya ay helaan fursad Waxbarasho.

Hoos Ka Daawo Sawirada.

www.puntlandi.com.

1 2 4 6 7 3 8 5

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512