Wafdi uu hogaaminayo Madexweynihii hore ee Puntland mudane Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Gen. Cadde) ayaa manta soo gaaray magaalada Garowe e caasimada Puntland halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga Gen. Cadde oo saaka ka soo ambabaxay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa magaalada Garowe soo gaaray duhurnimadii manta, waxaana la tilmaamayaa in arrimaha ay u socdeen ay qayb ka tahay in ay ka qayb qaataan dadaalada la isugu soo dhawaynayo Musharaxiinta iyo Madexda hada talada haysa lana dhameeyo khilaafka ka dhex aloosan.
Hogaaminayo Madexweynihii hore ee Puntland mudane Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Gen. Cadde) ayaa la filayaa in sidoo kale uu kaalin muuqata ka qaato hanaanka lagu doonayo in doorasho xalaal ah oo wanaagsan laguna wada qanacsan yahay ay ka dhacdo Puntland.
Dhinaca kale waxaa isna manta magaalada Garowe soo gaaray Burhaan Muuse Boqor oo isna maalmahan laga filayay in magaalada Garowe uu soo gaaro.
Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland waxaa ku sugan Isimo farabadan oo dhamaantood ka kala yimid deegaano ka baxsan magaalada Garowe kuwaas oo halkan u yimid sidii au uga qayb qaadan lahaayeen dhismaha hanaan macquul ah oo puntland ay doorasho xalaal ah uga dhacdo iyo ka qayb qaadashada xalinta khilaafaadyada soo kala dhex galay Musharaxiinta iyo Madexda hada talada haysa ee Puntland xilli wakhtigii doorashadu ay wax yar ka dhiman tahay.