Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Wafdiga Dowladda Puntland oo maanta booqday Safaarada Jabuuti ee Addis Ababa iyo Sawirro

$
0
0

Wafdiga Dowladda Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxman Sheekh Maxamad Farole ayaa maanta booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee dalka Ethiopia.

Wafdiga Puntland waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Warsame, Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Ilkajir iyo sarakiil ka tirsan Dowladda Puntland, waxaana booqashada ku wehliyay Wakiilka Puntland ee Ethiopia Mr. Mahad Farax Gaas.

Safiirka Djibouti ee Ethiopia Ambassador Maxamad Idris Farax iyo sarakiil ka tirsan Xoogga Dalka Jabuuti ayaa ku qaabilay Wafdiga Puntland xarunta Safaaradda Jabuuti oo ku taala bartamaha magaalada Addis Ababa.

Wafdiga Puntland ayaa la filayaa inay safar ku gaaraan dalka Djibouti halkasoo ay casuumad rasmi ah ka haystaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Dr Ismaciil Cumar Geelle iyadoo uu Wafdiga Puntland ka qeybgali doono munaasabad balaaran oo lagu qaban doono dalka Djibouti.

Puntlandi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles