Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa intuu uu Todobaadkaan ku sugnaa Nairobi wuxuu Waraysi dheer siiyey TV-ga Somali Chanal, Waraysiga ayaa Madaxweynaha lagu waydiinayaa su’aalo dhowra oo xiiso badan loo qabo jawaabtooda, Madaxweyne Faroole waxaa Wax laga waydiiyey, Federaalka,Dastuurka Federaalka, Xukuumada Xasan Shiekh, Jubaland iyo Siyaasada gudaha Puntland´, wuxuu kaloo ka hadlayaa dhaqaalaha Soomaaliya oo hoos u dhac ku yimid shilin Soomaaliga iyo sababaha keeney.
Bilowga Waraysiga Madaxweynuhu wuxuu ka sheekeynayaa Taariikhdiisii oo kooban.Daawasho wacan