(Pi Garowe):- Waxaa maanta Garowe kusoo qulqulaya Wafuud ka socda Wasaarada Waxbarashada Dowlada Federaalka iyo Maamul Gaboleedyada kuwasoo ka qayb galaya shirweyne ku saabsan dib u eegista waxbarashada Puntland, kaasoo berito lagu qabanayo magaalada Garowe.
Wasiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame iyo Masuuliyiinta Wasaarada ayaa marti galinayaa Shirkaan ka dhacaya Garowe.
Howlwadeenada Puntlandi ee Garowe oo shirka goob joog ah ayaa inoo soo tabin doona, Insha alaah.
Puntlandi.com
Garowe