(Pi Garowe):-Wasiirka waxbarashada Dawladda Federalka Soomaaliya Drs. Khadaro Bashiir Cali ayaa maanta soo dhaweynta ballaaran loogu sameeyay magaalada Garowe, kadib markii ay casuumaad ka heshay wasaaradda waxbarahada Puntland.
Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Dawladda Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa Wafdiga Wasiirka waxbarashada Soomaliya kaga hortagay garoonka diyaaradaha ee Garowe, halkaas oo ay soo dhaweyn kadib saxaafada kula hadleen.
Drs. Khadro Bashiir Cali waxay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay safarkeeda ay ku timid Puntland, iyadoo sheegtay inay horey ulasoo shaqeysay wasaaradda waxbarashada Puntland ayna haatan doonayso inay qibrad ka qaato Puntland.
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Waxay sheetay nay ka qeyb galayso shirka wajiga labaad ee dib u eegista qorshihii waxbarasho ee sanadkii hore, kaasoo la qabandoono maalinta axada ee todobaadka soo socda. Waxayna intaas kusii dartay inay Puntland u timid sidii wasaaradda waxbarashada Puntland tababar u siin lahayd shaqaale katirsan wasaaraddeeda oo u baahan inay helaan waayo aragnimo shaqo.
Wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa dhankiisa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay wasiiradu timaado Puntland oo ay kala qeyb gasho shirkooda ay kaga hadlayaan qorshaha waxbarashada Puntland, wuxuuna sheegay imaatinkeeda inuu kusoo beegmayso xilli ay wasaaraddu qabanayso shir muhiim ah oo ku saabsan horumarinta waxbarashada Puntland.
Dhageyso codka wasiirka Waxbaarshadda Puntland;-
Dhageyso wasiirka Waxbaarshadda Soomaaliya;- .
Hoos Ka Daawo Sawirada;-
www.puntlandi.com- Garowe.