Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo dhaqaale ku bixiyey in dacaayad iyo warar been abuur ah laga faafiyo Xildhibaan Cabdi Bare

$
0
0

cabdi-barreXildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalmahaan bilaabay iney dacaayado iyo warbixino been ah ka fidiyaan Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf Jibriil oo ka mid ah Xildhibaanada ugu caansan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Howlwadeenada Puntlandi ayaa helay xog ku saabsan Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo lacag gaaraysa 3,500 Dollar ay ku bixiyeen in Saxaafadaha qaar ay daabacaan Warar been abuur ah oo lagu eedeynayo Xildhibaan Cabdi Bare.

Puntlandi oo xalay  (Arbaco ahayd 11 maarso) La hadley Xildhibaan Cabdi Bare wuxuu noo sheegay inuusan u dhag jalaq siineyn Warxumadaas laga baahiyey isagana uu la socdo wararka la baahinayo ee aan salka iyo raadka lahayn.

Xildhibaanka mar aan wax ka waydkiiney Xogta ay Puntlandi heleen ee ku saabsan in Dacaayadahaas ay ka dambeeyaan qaar ka mid ah isla Xildhibaanada Baarlamaanka oo ay lacag gaaraysa 3,500 USD ay ku bixiyeen in Saxaafaduhu baahiyaan Been abuur, wuxuu yiri “Waan la socdaa oo anigu waxaanba maqlay 2500 iney siiyeen Websiteka daabacay warkaas dacaayada ah, Waana ogahay in Xildhibaano ay wadaan ol’olahaas dacaayada ah”

Wararka Been abuurka ah ee laga qorey Xildhibaanka waxaa ka mid ah war sheegaya inuu Xildhibaan Cabdi Bare ugudbiyey Gudigga dabagalka Qaramadda Midoobay ee arrimaha Somalia Warbixin ku saabsan Basaboorka Soomaaliya oo uu ku tilmaamey mid faalis ah oo la siiyo cid walba.

Wararkaas waxaa kaloo kamid ah in Xildhibaan Cabdi Bare ay ku socoto Dacwadad ay kusoo oogeen Gudiga anshaxa ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka Siyaasadeed ee ka dhexeeya Xildhibaanada dhexdooda ayaa sababay in Xildhibaanada looga adkaadey Siyaasada ay adeegsadaan lacag si dacaayad iyo fadeexad looga faafiyo Xildhibaanada kale, Dacaayadahaasoo xitaa lagu baahiyo Baraha ay Bulshadu isku dhaafsadaan afkaaraha sida Facebook-ga oo kale.

Waxaan hada baaritaan ku heynaa Laba Xildhibaan oo loo badinayo iney ka dambeeyaan Dacaayadaas, kuwasoo magacyadooda naloo ku sheegey Xogtaan aan helney.

post@puntlandi.com

www.Puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles