Wajiga labaad ee wada hadalada Dawladaha Puntland iyo Jubbaland ayaa saaka ka bilowaday magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweynaha Dawlada Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ iyo Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa furay wajiga labaad ee wada hadalka.
Guddi ka kooban afar qaybood ayaa loo saaray inay ka wada hadlaan wajiga labaad ee wada hadalka,waxaana loo qaybiyay Guddiyadda;-
1-Siyaasadda.
2-Amaanka.
3-Ganacsiga iyo Maalgashiga
4-Iyo Dhismaha Maamulka.
Guddiyadan ayaa waxaa Guddoomiye u kala ah Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland,waxaana isla maanta ay guda galeen falanqaynta Ajandayaasha horyaala.
Shirkan oo Albaabadu ay u xiran yihiin ayaa lagu wadaa in laso afmeero caawo,waxaana labada Dawladood ay soo saari doonaan Warmurtiyeed ku saabsan natiijada shirka.
www.puntlandi.com.