Quantcast
Channel: .warka – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

(Sawirro) Wafdiga madaxweynaha dowladda Puntand oo Kismaayo loogu sameeyay xaflad soo dhawayn ah.

$
0
0

(Pi Garowe) Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa xalay munaasabad ballaaran oo soo dhowayn ah u sameeyay wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Maxamed Cali Gaas ee haatan ku sugan magaalada Kismaayo.

Munaasabadaan waxaa ka qayb galay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubba-land, Golayasha wasiirada labada dhinac, saraakiisha ciidamada Jubba-Land, odayaasha dhaqanka Jubba-land, haweenka, dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan  ee bulshada Kismaayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas oo madasha ka hadlay ayaa caddeeyey in Puntland iyo Jubba-land ay yihiin laba Dawladdood oo mataano ah, isla markaana ay markasta diyaar u yihiin la shaqaynta iyo taageerada shacabka iyo madaxda Jubba-land.

Madaxweynaha Dawladda Jubba-Land Axmed Max’ed Islaan ‘Axmed Madoobe” ayaa dhankiisa sheegay inay si diiran usoo dhoweynayaan Madaxda Dawladda Puntland ee martida ah , isla markaana ay baahi weyn u qabaan taageerada Dawladda Puntland.

Waa munaasabaddii ugu horraysay ee nooceeda oo kale ah oo ka dhacda Madaxtooyada Dawladda Juba-land ee Kismaayo tan iyo markii la dhisay maamulka Jubba-land,  taasoo lagu soo dhoweynayo Madaxda Dawladda Puntland.

Daawo Sawiradda.

IMG_7694 IMG_7692 IMG_7680 IMG_7661 IMG_7665 IMG_7669 IMG_7632 IMG_7635 IMG_7628 IMG_7629 IMG_7630 IMG_7625 IMG_7622 IMG_7619 IMG_7590 IMG_7603 IMG_7607 IMG_7561 IMG_7566 IMG_7587 IMG_7547 IMG_7542 IMG_7540 IMG_7513 IMG_7529 IMG_7533 IMG_7511 IMG_7491 IMG_7485 IMG_7474 IMG_7482 IMG_7473 IMG_7439 IMG_7444 IMG_7466 IMG_7420 IMG_7417 IMG_7406 IMG_7387 IMG_7395 IMG_7401 IMG_7374 IMG_7367 IMG_7362 IMG_7352 IMG_7354 IMG_7361 IMG_7327 IMG_7347 IMG_7324 IMG_7312 IMG_7307 IMG_7298 IMG_7300 IMG_7304 IMG_7291 IMG_7296 IMG_7297 IMG_7283 IMG_7277 IMG_7274 IMG_7253 IMG_7259 IMG_7265 IMG_7251 IMG_7247 IMG_7234 IMG_7216 IMG_7217 IMG_7229 IMG_7215 IMG_7207 IMG_7194 IMG_7187 IMG_7189 IMG_7192 IMG_7185 IMG_7179 IMG_7174 IMG_7168 IMG_7170 IMG_7172 IMG_7165 IMG_7155 IMG_7157 IMG_7143 IMG_7148 IMG_7153 IMG_7129

Puntland.com-kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 12512

Trending Articles