(Pi Roma) In kabadan 1,000 tahriibayaal ah ayaa lagasoo badbaadiyay badda Mediterranean ee waqooyiga dalka Libya labadii maalmood ee laso dhaafay, laakiin saraakiisha ilaalada badda Italy ayaa sheegay inay dhinteen 10 ruux.
Maraakiibta gurmadka, maraakiibta dagaalka iyo saddex markab oo ganacsi ayaa badbaadiyay 941 dad ah todobo howlgllo ah oo dhacay talaaladadii iyo arbacadii shalay.
Sidoo kale maraakiibta ganacsiga ayaa badbaadiyay 94 muhaajiriin ah, kuwaas oo ay dooni kula dagtay meel 65 km waqooyiga Libya.
Dadka la badbaadiyay ayaa loo qaaday magaalooyinka koonfureed ee dalka Italy . muhaajiriintu waxay la socdeen 5 doonyood oo labo kamid ah ay ahaayeen nuuca waa weyn. Mid kamid ah ayaa quustay waxaana ku dhintay 10 ruux oo maydkooda la helay.
Ciidamada badda ayaa sheegay muhaajiriinta la badbaadiyay inay sheegteen wadamada Syria, Falastiin, Libya, Tunisia iyo Soomaaliya.
In kabadan 30 caruur ah ayaa ku jiray dadka la badbaadiyay.
Puntlandi.com- Roma